Somali News

DFS oo sheegtay in dagaal ka dhacay Hiiraan lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ayaa waxaa uu ka hadlay howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Wasiirka ayaa  sheegay in Ciidanka dowladda howlgalkii ugu dambeeyay ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Buulo-burde ay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga ayaa sheegay in dagaalo kale oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan Al-shabaab looga qabsaday hub badan oo uu sheegay in  la soo bandhigay.

Dhanka kale wasiirka oo ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka dowladda ay  ka sameeyeen Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in ay ciidanka xoogga la wareegeen degaano hor leh oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, islamarkaana khasaaro xoogan la gaarsiiyay.