Somali News

DFS oo sheegtay in duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ka dhacay Gobolka Galgaduud maanta lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Qoraal ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka ay iska kaashaadeen Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamiga laguna dilay shan ka tirsan Al-shabaab.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay meel 35KM Koonfur bari ka xigta degaanka Galcad ee gobolka Galguduud. Taliska AFRICOM ayaan weli ka hadlin weerarkan.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta ugu baaqay dadka ku sugan deegaannada hawlgalladu ka dhacayaan inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin al-Shabaab.