Somali News

DFS oo sheegtay in howlgal ay ku dishay Sarkaal ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Danab Ururka 4-aad Guutada 16-aad ayaa maanta howlgal qorsheysan ka sameeyey degmada wanlweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay Taliska Danab ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay Xasansn Suleyman Cali kaas oo ay ku sheegeen inuu ahaa hoggaaminaye Al-shabaab u qaabilsanaa Sahanka & Sirdoonka degmada Walawayn & degaanada ku teedsan.

Sidooo kale, Taliyaha Ururka 4-aad Guutada 16-aad Kumandooska Danab Maxamed Cabduqadir Cali ayaa sheegay in hoggaamiyaha ay dileen uu Al-shabaab kasoo qabtay xilal kala duwan oo ay Ka mid yihiin madaxda Miinada iyo waxa ay ugu yeeraan Uruurinta sakawaadka.

Muddooyinkii ugu dambeeyay Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, iyagoo sheegay in gacana ay ku dagaalamayaan Al-shabaab, gacana ay ugu gurmanayaan Dadka Soomaaliyeed ee abaarta saameysay.