Somali News

DFS oo sheegtay in howlgal lagu burburiyay hub iyo xarruumo ay ku sugnaayeen Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan lagu burburiyay saldhig iyo hub ay lahaayeen dagaalameyaasha Al-shabaab ka dib howlgal ka dhacay degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada dhexe.

Qoraal ka soo baxay dowlad ayaa waxaa lagu yiri

“Howlgal lagu burburiyay fariisin ay lahaayeen maleeshiyaad Khawaarij ah, Gadiid iyo Saanad Ciidan ayaa ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka waxay ka fuliyeen deegaanka Sigato oo hoos taga degmada Runirgood ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan ayaa khasaaro xoog leh waxaa lagu gaarsiiyay danbiilayaasha Khawaarijta ahaa ee ku sugnaa goobta uu howlgalka ka dhacay”

W/Q: Hanad Abdi Mohamud Yusuf