Somali News

DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeelada dhexe.

Saraakiil ka tirsan kumaandooska soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay halka loo yaqaan ceel-geeloow ee gpbolka shabeelada dhexe.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in nolosha ay ku toogteen saddex ka dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi la sheegay in ay miino ku aasayeen wadada, si ay u qarxiyaan gaadiidka wadadaasi maraya.

Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka Ciidmadda Qalabka Sida ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid sifeeyn kaasi oo ay doonayaan in gabi ahaanba Al-shabaab laga soo gaaro gobolka shabeelada dhexe.