Somali News

DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay xubno ka tirsana Al-shabaab

 Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada cirka ee dowladda Mareykanka ayaa howlgal ay iska kaashadeen oo ka dhacay gobolka Jubadda Dhexe ku dilay 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday xubno ka mid Ururka Shabaab oo isku aruursanaayay xadka ay wadaagaan gobolada Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.