Somali News

DFS oo sheegtay in howlgal qorsheysan lagu dilay Xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Howlgal qorsheeysan oo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka fuliyeen in lagu dilay Saraakiil iyo Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalkaan qorshaysan ayaa waxa uu ka dhacay degaanka Gir-giire oo u dhexeeyo degmooyinka Ruun-good iyo Ceel-bacad.

Goobta ayaa waxaa lagu dilay 20 kamid ah dagaalameyaasha Al-shabaab, sida lagu sheegay War saxaafadeed ka soo baxay Dowladda.

W/Q: Hanad Abdi Mohamud Yusuf