Somali News

DFS oo sheegtay in jab xoogan la gaarsiiyay Al-Shabaabkii weeraray Dhuusamareeb

Ciidamada xoogga dalka ayaa soo bandhigay hub iyo gaadiid ay ka soo ufrteen Al-Shabaab iyo xubno ay ku dileen,kadib dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Taliyaha Ururka 15-aad ee Kumaandooska GorGor Maxamed dhakawayne ayaa xaqiijiyay in ay Ciidamadu gacanta ku hayaan, Qori hoobiye ah, gaari ay wateen kooxda weerarka soo qaadey, qoryo fudud oo ay kujiraan 2-BKM, nin dhaawac ah iyo 8-meyd ah oo ay ka carareen.

Taliyaha  ayaa warbaahinta u soo bandhigay  hubkii ay ka furteen Al-Shabaabkii iyo Meydadka xubno uu sheegay in ay ka tirsansan yihiin Al- Shabaab.

Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay maanta ay howlgalo ka sameyn doonaan deegaano hoostaga Magaalada Dhuusamareeb, si ay ugu hortagaan weerarada Al_Shabaab