Ka dib howlgalo qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen degaano hoostaga degmada Jamaame ayaa waxa ay Al-shabaab ka saareen deegaanka buundada Araare iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Buundada Araare iyo deegaanka Koban ee G/Jubbada Hoose ayaa Al-shabaab waxaa ay halkaasi u eheyd goob Al-shabaab ay ku qaadaan waxa ay sakawaad ugu yeeraan.
Xasan Aadan Ciraaqi Taliyaha ururka 5aad ee guutada 16 oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in la burburiyay saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaano hoostaga degmada Jamaame.
Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu ku hanjabay in ay bartilmaameedsan doonaan saraakiisha iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.
Ugu dambeyn taliye Ciraaq ayaa balan qaaday in ay sii socon doonaan howlgalada lagula dagaalamayo Al-shabaab