Somali News

DFS oo sheegtay in la dilay saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada  Xoogga Dalka  ayaa weerar ku dilay ku dhawaad 50 dagaalame oo  ka tirsan Al-Shabaab iyo Madaxii Howlgalinta Al-Shabaab  ee gobolka  Shabeellada Dhaxe, kaasi oo ka dhacay tuuladda Bululow ee Degmada Afgooye.

Saraakiil  tirsan Ciidanka kumaandooska Danab ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay tuulada Bululow lagu dilay dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Danab ayaa sarkaalka  la dilay waxaa ay magaciisa ku sheegeen Cismaan Ciil Fiidow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Howlgalinta 

Ugu dambeynti Saraakiisha Kumaandooska waxa ay sheegeen in gaari dheyno ah oo lagu daabulay meydadka dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo sarkaalka la dilay ay  Al-Shabaab  ku Aaseen tuulada Buulo yareey iyo shiiqaal