Somali News

DFS oo sheegtay in la dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ilaaladiisa.

Kadib howlgal qorsheysan oo ay ciidanka sida gaarka ah utababaran kumaandooska soomaaliya ay  ka fuliyeen degmada Sablaale ee gobolka shabeelada hoose ayay ku dileen sarkaalkii Al-shabaab uqaabilsanaa Jubbooyinka iyo toban dagaalme oo la socday.

Ciidanka kumaandooska ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen  guri ku yaala degmada  Sablaale, islamarkaana halkaasi ku toogtay sarkaalka iyo ilaaladiisa.

Sarkaalka ay dileen ciidanka ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay (Mucaad dheere) kaasi oo Al-shabaab uqaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan wilaayaadka Jubbooyinka ama gobolada Jubbooyinka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan kumaandooska Somalia.

Kumaandooska Somalia  ayaa kordhiyay howlgalada qorsheeysan ee lagu beegsanaayo Saraakiisha  iyo dagaalamayaasha ka tirsan Al-shabaab.