Somali News

DFS oo sheegtay in la dilay Sarkaal sare oo ka tirsana Al-shabaab

Duqeyn dhanka cirka ah oo ay iska kaashadeen ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamadda Mareykanka ayaa lagu dilay Khaliif Daa’uud oo ahaa Sarkaal Al-shabaab u qaabilsana abaabulka dagaalada.

Taliyaha Ciidanka XDS Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadoow ayaa sheega in 17-bishaan duqeeyntaan lagu dilay Sarkaalka Khaliif ay ka dhacday degmadda Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Khaliif Daaud oo magaciisa afgarashada uu yahay Macalin Ayman ayaa qeyb ka ahaa weeraro ka dhacay gudaha dalka Kenya iyo kuwo kale oo laga geystay gudaha dalka.