Somali News

DFS oo sheegtay in la qaadayo tillaabooyin looga hortago EBOLA

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasaarada ay qaadi doonto talaabooyin looga hortagayo in cudurka EBOLA uu soo gaaro dalka, maadaama wadanka Uganda oo hadda laga helay kiisas cusub ay ku nool yihiin Soomaali badan oo ku soo wajahan Magaalada Muqdisho, si looga hortago inuu ku faafo dalka.

“Wasaaradda oo ka faa’ideysaneysa khubaradeeda dhanka Caafimaadka waxa ay bilaabaysaa baaritaan la xiriira caabuqa EBOLA oo lagu sameynayo dhammaan muwaadiniinta iyo musaafiriinta ka imaneysa wadanka Uganda oo uu caabuqa kasoo cusboonaaday”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaarada Caafimaadka Soomaaliya.