Somali News

DFS oo sheegtay in Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab uu isku soo dhiibay

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu isku soo dhiibay sargaal ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii uu xiriiro la soo sameeyay saraakiisha ciidamada xoogga ee ku sugan magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Sargaalkan ayaa waxaa uu isku soo dhiibay Saraakiisha Guutada 13-aad, qaybta 21-aad ee ciidamada xoogga, kuwaasi oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka waday deegaanada hoostaga Camaara ee gobolka Mudug.

Sargaalkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdule Xuseen Maxamuud, oo loogu yeeri jiray (Cabdiqani), isagoona tibaaxay in uu isaga baxay Al-Shabaab.

Cabdiqani, ayaa sheegay in uu kasoo dagaallamay Gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya,wuxuuna Kooxda Al-Shabaab u qaabbilsanaa hoggaaminta qayb ka mid ah jabhaadka geysta weerarada.