Somali News

DFS oo sheegtay in Sarkaal muhiim ah ka dishay Al-Shabaab

Muqdisho-KNN-Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe ay ku dileen ciidamo hawlgalkaasi sameeyay mid ka mid ahaa saraakiisha tababarro ee Al-Shabaab iyo saddex dagaalyahan.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Ashraf Azmi Abu Hamdan, waxaana la sheegay in uu ahaa ajanabi u dhashay dalalka yaryar ee dhaca qaaradda Aasiya.

Ajanabigan lagu magacaabo Ashraf ayaa sida ay sheegtay dawladu, waxa uu u qaabilsanaa Al-Shabaab in uu tababaro siiyo dagaalyahayannada ka tirsan Al-Shabaab.

Hawlgalkan ayaa waxaa fuliyay ciidamada sida gaarka ah u tababar ee DANAB , waxa ayna ka fuliyeen deegaannada Salagle, Duqay, Buur-gaduud iyo qaar kale, waxaana u jeedkiisu ahaa in Al-Shabaab lagaga saaro deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Juubada Dhexe, sida uu Idaacadda ku hadasha Codka Ciidmada Qalabka sida u sheegay Taliyaha guutada 16-aad ee DANAB gaashaanle Ismaaciil Cabdimaali Maalin.

Majiraan warar ka madax banaan oo kuwa ay sheegeen dawalada Soomaaliya, oo la xiriira dilka Sarkaalkan ajanabiga ah.