Somali News

DFS oo sheegtay in tobanaan ka tirsan Al-shabaab lagu dilay dagaal ka dhacay Awdheegle

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay 60 xubnood oo ka tirsan dagaalameyaasha Al-shabaab lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

War-saxaafadeedka dowladda ayaa lagu sheegay in ay ciidanka Xoogga iska difaaceen weerar qaraxyo ku billaawday oo dagaalameyaasha Al-shabaab ku soo qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Awdheegle.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka.