Somali News

DFS oo shuruudo adag ku xirtay ganacsiga Qaadka Kenya

Muqdisho-KNN-Dawlada Kenya ayaa dhibaato kala kulantay xayiraadda ganacsiga qaadka ee Soomaaliya ,waxa ayna dadaalo badan ku bixineysaa sidii ay Soomaaliya ugala heshiin lahayd, in dib loo furo ganacsigii qaadka ee Soomaaliya.

Inta badan ganacsatada qaadka dalka Kenya ayaa dawlada Kenya ka dalbaday in Soomaaliya kala heshiiso arrintan maadaama, ay Soomaaliya ku xirtay dib u furista ganacsiga qaadka Kenya ee Soomaaliya, shuruudo adag.

Sida uu daabacay wargayska falanqeeya arrimaha gacansiga ee Business Daily, waxaa Muqdisho  yimid xubno ka tirsan Iskaashatada qaadka ee deegaanka Nyabene , si ay dawlada Soomaaliya ugala hadlaan arrintan.

Balse nasiib darro ayaa ay kala kulmeen, kadib markii ay dawlada Soomaaliya ku xirtay shuruudo ka bedalan , kuwii ay horay ugu xirtay, waxaana ka mid ah :

1. In kenya raali gelin ka bixiso inay kusoo xadgudubtay Hawada Soomaaliya.

2. In Kenya ay ka laabato in duulimaadyada ka baxa Soomaaliya lagu baaro Magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi Bari Kenya, taas oo dhibaato weyn ay ku qabaan dadka ka baxa gudaha dalka Soomaaliya.

3. In Kenya ogolaato inay dhoofsato wax soo saarka Soomaaliya,sida Kalluunka, Malabka, Hilibka iyo Caanaha iyo waxyaabaha kale ee muhiim ah.

4. In dawladda Kenya ay faragelinta ka deyso arrimaha gudaha Soomaaliya,isla markaana si siman ula macaamiisho dadka Soomaaliyeed, iyo

5. oo ah in lacagtii canshuurta ee laga qaadi jiray halkii kiilo la kordhiyay, lagana dhigay 5 dollar.

Marka laga reebo qodobka Shanaad (5) oo ay aqbaleen ganacsatada qaadku, ayaa waxa ay ka dalbadeen dawlada Kenya ay dawlada Soomaaliya kala heshiiso , si dib loogu bilaabo ganacsiga qaadka Kenya iyo Soomaaliya.

Dawlada Kenya ayaa waxaa soo wajahday hoos u dhac dhaqaale, kadib markii dawlada Soomaaliya ay joojisay ganacsiii qaadka, taas oo ay Kenya ka heli jirtay adduun lacageed lagu qiyaasay 240,000 oo doollar maalintiiba.

Dawlada Soomaaliya ayaa mowqif adag iska taagtay arrintan, kadib markii ay Jimcihii ku dhaqaaqday in garoomada diyaaradaha ee Soomaaliya aysan gebi ahaanba ka soo degi karin diyaaraha Kenya ee qaadka sida

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay shuruud ku xirtay in dib loo bilaabo jaadka (qaadka) Soomaaliya looga keni jiray Kenya,kaas oo loo joojiyay sababo la xiriira COVID-19, iyada oo shuruudahaas u gudbisay dowladda Kenya.

Sida uu daabacay Wargeysa ka hadla arrimaha Ganacsiga ee Busniss Daily iskaashada qaadka ee degaanka Nyabene Xubno ka socday ayaa yimid Magaalada Muqdisho si ay Dowladda Soomaaliya ugala hadlaan in xayiraada laga qaado jaadka, hayeeshee dowladda Soomaaliya ay ku xirtay shuruudo ay kamid yihiin.

Guddoomiyaha iskaashada khaadka degaanka Nyabene Kmathi Nyabene ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diiday dalabkii codsiga ahaa ay ka diiday,waxaana uu ugu baaqay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta in uu xaliyo khilaafkaan diplumaasiyadeed ee hakadka geliyay Ganacsigooda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay Canshuur kordhin ku sameysay jaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya,isla markaana halkii kiilo lagu Canshuurayo 5 Dollar ayna aqbaleen,hayeeshee uu sheegay in weli caqabado dhowr ah ay ka heystaan in xayiraada aag qaado qadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya.

Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka Axmed Macalin uu sheegay in marnaba ay Soomaaliya aysan soo geli karin diyaaradaha sida qaadka,isla markaana dowladda Soomaaliya ay mamnuucday in dalka la keeno in kastoo uusan cadeyn sababaha keenay.