Somali News

DFS oo si kulul u Cambaareysay Qaraxyo ka dhacay Yemen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynaysaa weerar seddex qaraxyo ah lagu beegsaday shalay gelinkii dambe oo Arbaco ahayd (30 December) gegidda diyaaradaha ee Cadan ee Jamhuuriyadda Yemen, kaasi oo sababay geerida iyo dhaawaca tobaneeyo ruux oo rayid ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay xaqiijinaysaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay garab taagantahay Dowladda iyo Dadka aanu walaalaha nahay ee Yemen,

waxa ayna tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehellada dhibanayaasha, iyadoo caafimaad-qab degdeg ah u rajaysay kuwa ku dhaawacmay.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynaysaa weerar seddex qaraxyo ah lagu beegsaday shalay gelinkii dambe oo Arbaco ahayd (30 December) gegidda diyaaradaha ee Cadan ee Jamhuuriyadda Yemen, xilli ay soo caga-dhigatay diyaarad siday xubnaha Xukuumadda cusub ee Yemen, waxaana uu sababay geerida iyo dhaawaca tobaneeyo ruux oo rayid ah”ayaa lagu yiri warka dowladda.