Somali News

DFS oo si kulul ugu hadashay qoraaladii ka soo baxay Beesha Caalamka

Bayaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya, ayaa markii u horraysay si kulul waxaa ay ugu jawaabtay walaaca Beesha Caalamku ka muujisay mudda kordhinta Aqalka hoose ee Baarlamanku u sameeyay hay’adaha dowladda.

War-saxaafadeedka , ayaa lagu sheegay in wakiilada Beesha Caalamku ay marin-habaabin ku sameeyeen sharciyadda ay soo saareen hay’adaha dowladda ee lagu ilaalinayo dimoqraadiyadda dalka.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si aad ah uga xumaatay inay aragto hadallada bulshada ee qaar ka mid ah saaxiibbadeeda caalamiga ah iyo saaxiibbada muddada dheer ay ku marin habaabinayaan sharciyada ay soo saaraan hay’adaha dowladda ee lagu ilaalinayo xuquuqda dimoqraadiyadda ee shacabka ee ay ku dooranayaan hoggaankooda” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladdda Soomaaliya

Dowladda ayaa sheegtay Sida ay dhammaantood goobjoog u ahaayeen sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, labo ka mid ah toddobadii saxiixayaasha heshiiska 17 Sebtember 2020, oo kala ah hoggaamiyeyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyagoo ku dhaqmaya cadaadis ba’an oo kaga imanaya saameynta shisheeye, waxay isku dayeen inay hakiyaan oo afduubtaan howsha iyagoo abuuraya dalab aan dhammaad lahayn iyo iyagoo ku baaqaya in la burburiyo hay’adaha dowliga ah ee qaranka.

Waxay Dowladda sheegtay, Khataraha ka dhalan kara luminta horumarka la sameeyay ilaa iyo hadda waxay ku kalliftay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka inuu ka doodo oo u codeeyo 12-ka Abriil 2021-ka si loo ilaaliyo hay’adaha dalka. Go’aankan waxaa si ballaaran u taageeray daneeyayaasha muhiimka ah ee siyaasadda dalka, oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saddex ka mid ah shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah Federaalka, kuwaas oo kala ah Hirshabeele, Galmudug iyo Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Wasaarada arrimaha dibedda waxay intaasi ku dartay in Sida ku cad qodobka 47aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro sharciyo gaar ah oo qeexaya xeerarka khuseeya doorashooyinka heer federaal.

Sidoo kale qoraalka dowladda ayaa waxaa lagu sheegay In kasta oo aan ka mahadcelinno walaacyada saaxiibbadeenna caalamiga ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya, haddana waa wax laga xumaado in markhaati laga noqdo u ololeynta mabaadi’da dimoqraadiyadda oo ka gaabinaysa taageeridda himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah in ay ku dhaqmaan xuquuqdooda dimoqraadiyadda.

Ugu dambeynta warsaxaafadeeedka ayaa lagu soo gaba gabeeyay ,Hadalada xanafta leh ee ay ku raran yihiin hanjabaadaha, ee wax u dhimaya madaxbanaanida siyaasadeed iyo xuquuqda madaxbanaan ee hay’adaha qaranka, waxay kaliya u adeegi doonaan dhiiragelinta ururada argagixisada iyo kuwa nabad diidka ah ee Soomaaliya.