Somali News

DFS oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay daadadka Elnino

Magaalada Muqdisho waxa maanta lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qiimeynta khasaarihii ka dhashay fatahaadihii iyo daadadkii El-nino ee sanad kii hore ku dhuftay Soomaaliya.

Warbixintan oo ay iska kaashadeen Dawladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Baanka aduunka ayaa lagu sheegay in khasaaraha dhaqaale ee El-nino ka dhashay ay ka badan tahay 170 milyan oo doolar.