Somali News

DFS oo soo bandhigtay sargaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada ee Galguduud

Ciidada Xoogga ayaa soo bandhigey sargaalkii Qaybta qaraxyada Galgaduud u qaabilsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabo Xasan Cabdinuur daad “Carey’s” kaasi oo ka mid ahaa koox xalay weerar Hoobiye ah ku soo qaaday magaalada Dhuusamareeb.

Sargaalkan ay ciidamadu qabteen ayaa laga daweynayaa dhaawac ka soo gaaray dagaalka dhexmaray ciidamada iyo kooxdan ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale ciidamada goobta ku soo bandhigeen, gaarigii ay wateen kooxdan iyo qori ah B10 oo ay adeegsanayeen, iyo qoryo fudud iyo meydadka xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay dagaalkii xalay.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka S/Gaas: Xuseen Xoosh Cali iyo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ay Wehliyaan Masuuliyiinta Maamulka Dhuusamareeb ayaa ku amaaney Ciidamada Gor-gor ee howlgalkan fuliyay, sida ay uga hortageen qorshihii Alshabaab ee ahaa carqaladeynta Amaanka Magaalada.

Ciidamada xoogga gaar guutada Gor-gor ayaa waxaa ay howlgallo ka wadaan deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb oo uu shir uga socdo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Waana markii labbaad ee Al-Shabaab ay weerar Hoobiye ku qaadaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.