Uncategorized

DFS oo soo celineysa Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran Xabsiyada Liibiya.

Muqdisho-KNN-Ambassador Cali Saciid Fiqi Safiirka Soomaaliya ee Yurub, sidoo kale ah wakiilka ay Dowladda Soomaaliya u xilsaartay xal u raadinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran Liibiya iyo Guud ahaan Qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalkaasi ayaa sheegay in ay dejiyeen qorshe, dhawaana dib loo soo celin doono dadka ku xiran Liibiya.

Danjire Fiqi ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomaalida qaarkood aysan ogoleyn in ay kusoo laabtaan gudaha Soomaaliya, islamarkaana ay doonayaan in ay halkaasi kasii baxaan marka la sii daayo balse ay adagtahay arintaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay ayuu xusay in ay booqdeen xabsi ay ku xiran yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaaraya 90 , islamarkaana qaarkood ay diideen in ay kusoo laabtaan Soomaliya.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa xoogeystay dhibaatooyinka ay kala kulmayaan dhalinyaradda Soomaaliyeed dalka Liibiya.

Waalidiinta Soomaaliyeed ayaa wajahaya walaac badan,kadib markii ay bixiyeen Lacag wixii ay haysteen walina caruurtooda aan loo sii daynin, tani ayaa u baahan in laga sameeyo wacyi gilin gudaha Dalka ah iyo dibadda si looga baaqsado dhibaatada Tahriibka.