Somali News

DFS oo soo dhaweysay heshiiska Sacuudiga iyo Qatar

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaysay bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta Boqortooyada Sucuudiga iyo dowladda Qatar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadisay waanwaanta iyo dadaalkii joogtada ahaa ee Amiirkii hore ee dalka Kuweyt, Alle ha u naxariistee, Sheekh Sabaax Axmed Aljaabir uu ku bixiyey xal u helidda khilaafkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay dadaallada Amiirka dalka Kuweyt Amiir Nawaaf Axmed Aljaabir iyo hoggaamintiisa wadahadallada lagu dhammeystirayo soocelinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo dad ee walaalaha ah iyo guud ahaan dalalka Khaliijka.” Ayaa lagu yiri  Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in  mar walba  ay ka go’antahay  xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo, wax wadaqabsi iyo ilaalinta xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka dan-wadaagta ah.

Warkan ka soo baxay dowladda Soomaaliya yaa ku soo beegmay saacado, kadib markii dalalka Sacuudi Carabiya iyo Qatar ku heshiiyeen in ay dib u furan xuduudkooda dhulka Badda iyo Hawada, kadib markii ay ka heshiiyeen khilaafkoodi.