Somali News

DFS oo wada dadaalo ay dalka dib ugu soo celinayso maxaabiis Soomaali ah oo ku xidhan dalka Sacuudiga

Muqdisho-KNN- Qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudiga Ilyaas Sheekh Cumar ayaa maanta booqday xabsiga Shimees oo ku yaalla magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga, kaas oo ay ku xidhan yihiin muwaadiniin Soomaali ah.

Ujeedka booqashada qunsulka ayaa ahayd sidii uu masuuliyiinta xabsiga uu kala hadli lahaa xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Qunsulka ayaa soo indho-indheeyay xaalada maxaabiistaasi Soomaalida ah ee ku xidhan xabsigaasi, xaaladooda guud iyo mid caafimaad.

Wada hadal kadib waxa ay isla afgarteen Ilyaas Sheekh Cumar iyo masuuliyiinta xabsiga in muddo kooban gudahooda dalkooda loogu soo celiya muwaadiniinta Soomaalida ah iyo in mudada ay ku jiraan xabsiga ah helaan xuquuqdooda.