Somali News

DFS “Waxaan soo qabanay madaxdii Al-shabaab ee Maxkamadda Bariire”

Muqdisho-KNN-Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa xalay baaritaano ka sameeyay xaafado kamid ah magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in lagu soo qabtay Sarkaal katirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay soo qabatay madaxii maxkamadda Al-shabaab ee degaanka Bariire sida lagu qoray Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Ma jirto cid ka madax-banaan DF-ka Soomaaliya oo xaqiijin kara soo qabashada Sarkaale Sare oo katirsan dagaalamayaasha Al-shabaab. Sidoo kale ma cadaynin Dowladda Soomaaliya xaafadaha baaritaanka laga sameeyay ee lagu soo qabtay Sarkaalkaan katirsan Al-shabaab.