Magaalada Muqdisho ayaa la soo gaarsiiyey dad qaba dhaawacyo kuwaas oo ka mid ahaa dadkii saakay ku wax yeelobay qaraxyadii ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka iyo Taliska ciidan xoogga dalka ayaa iska kaashaday soo qaadista dhaawacyada.
Ugu yaraan 10 ayaa ku geeriyootey 20-kalana waa ku dhaawacmeen kadib markii laba qarax ismiidaamin ay ka dhaceen degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Goobjoogeyaal ayaa noo xaqiijiyay in Dadka ugu badan khasaaraha uu soo gaaray ay yihiin dad rayid ah.
Qaraxyada ayaa waxaa fuliyay rag iso soo miidaamiyay, kuwaasi oo beegsaday guriyo shacab iyo hoy ay dagaan Martida Maamulka iyo Saraakiisha Maxaas