Somali News

Dhaawacyo badan oo la geeyay Isbitaalada ku yaala Muqdisho

Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii maanta lagu weeraray xarunta Maamulka degmada Hodan ee Gobalka Banaadir ayaa waxaa la geeyay isbitaalada ku yaala Magaalada muqdisho.

Tirada dadka ku dhintay qaraxa ayaa waxaa la tilmaamay in ay gaarayaan 7 qof ,halka 16 qofkalana ay ku dhaawacmeen.

Waa weerarkii labaad oo Al-Shabaab la beegsadaan Xarumaha  maamulka degmooyinka Gobalka Banaadir.

Dhawaan ayay aheyd markii weeerar sidan oo kale ah uu ka dhacay degmada Howl-wadaag ee Gobalka Banaadir.