Somali News

Dhaawacyo culus oo ka dhashay qarax goordhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Sida ay xaqiijiyeen hey’adaha amaanka ee DF-ka Soomaaliya laba qof ayaa ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xiray wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa maqaayad ku taalla xaafadda NBC ee degmada Hodan.

Dadka dhaawacmay oo ah laba qof ayaa waxaa ku jira qofkii gaariga watay waxaana soo gaaray dhaawac culus, qofka labaad ee dhaawacmay ayaa la sheegay in uu ku sugnaa Maqaayad halkaas ka agdhow.

Wali lama shaacin waxa uu ahaa qofka dhaawac soo gaaray ee gaarigiisa loogu xiray qaraxa balse waxay hey’adaha amaanka xaqiijiyeen in uu qabo dhaawac culus.

Magaalada Muqdisho waxaa ku badan qaraxyada dadka loogu xiro gaadiidka ay wataan, kii ugu dambeeyay oo habeenno ka hor ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay wiil dhalinyar oo aqoonyahaan ahaa, kaas oo dhowaan dalka ku soo laabtay kadib markii wax ku soo bartay dalka dibadiisa.