Uncategorized

Dhaawacyo ka dhashay Bam gacmeed lagu weeraray Guri dad shacab ah ay ka daganaayeen Yaaqshiid.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhaawacmay qarax lagu weeraray Guri ku yaala meel u dhaw xarunta degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Haweenay ka mid ah dadka deggan Guriga la wareeray ee Yaaqshiiid ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiysay in 3 qof ay soo gaarayn dhaawacyo, waxaana dadka dhaawacmay ka mid ah Gabar Qoyska ka mid ah.

Ciidamada amaanka ee degmada Yaaqshiid ayaa rasaas ay fureyn qaraxa ka dib waxaa la sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray Darawalka Gaarigii lagu qaadi lahaa dadka dhaawacyada soo gaaray oo mid ka mid ah xaaladiisa aan wanaagsaneen.

Guriga Bamka ku dhacay ayaa waxaa degan shacab lamana oga sababta ka dambeysay in Qarax lagu weeraro Gurigaan, Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in Bamka la damacsanaa in lagu weeraro xarunta degmada balse ay ka wareertay kooxdii weerarka soo qaaday.