Somali News

Dhagaysiga dacwadda loo haysto ninkii muslimiinta badan ku laayay New Zealand oo maanta bilaabanayso.

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta oo isniin ah si toos ah u furmaysa dhagaysiga dacwada loo haysto nin u dhashay Australia oo sanadkii hore muslimiin badan ku laayay wadanka New Zealand.

Ninkan oo kamid ah dadka ay cadaanimada ku wayntahay ayaa weerar uu ku qaaday labo masjid oo ku yaalo magaalada Christchurch ee dalka New Zealand waxaa ku dhintay 51 ruux oo ahaa muslimiin halkaasi ku cibaadeesanayay.

Brenton Tarrant oo u dhashay Australia ayaana wajihi kara xabsi daa’in isagoona ku eedeesan dilka 51 ruux iyo isku dayayga 40 kale.

Qoysaska xubnihii ku waxyeeloobay weerarkaas iyo dadkii ka bad baadayay ayaa goob joog u noqon doono dhagaysiga dacwada.