Somali News

Dhageeyso:-Galmudug oo weerar ku ah Shabaab

Dhuusamareeb-KNN-Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Galmudug Mudane Mahad Xasan Maxamed oo la hadlay Raadiye Kulmiye ayaa waxa uu sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan howgal ay Shabaab uga saarayaan deegaanada ay kaga suganyihiin Galmudug..

Wasiir Mahad Xasan Maxamed ayaa tilmaamay in diyaar garawgii ugu danbeeyay ay ku jiraan dhawaanna uu bilaaban doono howlgal balaaran oo Shabaab looga saarayo dhulka Galmudug.

Degmooyinka Ceelbuur, Ceeldheer,Galhareeri, iyo Xarardheere oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud ayuu sheegay wasiir ku xigeenku in ay doonayaan in Shabaab ay ka saaraan.

Al-Shabaab ayaa deeganada Galmudug dhowrkii bilood ee ina dhaafay waxa ay soo saareen culeeys lixaad leh, iyada oo meelaha qaarna ay ku dagaalameen dagaalamayaal ka tirsan Shabaab iyo dadka shibilka ah.