Somali News

DHAGESO:-Kheyre oo ka hadlay war ka soo baxay Maamul gobaleedyada.

Muqdisho-KNN-Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu soo hadal qaaday hadal dhawaan ka soo baxay Madaxda Maamul gobaleedyada ka jira dalka, kaasi oo ku saabsan Amaanka Magaalada Muqdisho , Xili khilaaf uu  dhaxeeyo dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Gobaleedyada.

R/Wasaare kheyre ayaa shaaca ka qaaday  inuu soo dhaweynayo wax kasta oo ay ka cabanayaan Madaxda Maamul gobaleedyada, islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay xaliyaan.

Waxaa uu sheegay R/Wasaaraha in marnaba uusan soo dhaweynaynin in la yiraahdo magalada Muqdisho laguma shiri karo oo amni maahan, Taasi ayuu sheegay in ay tahay mid aan waxba ka jirin.

Sidoo kale Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu xusay  in xukuumada aysan marnaba  ogolaaneyn in Gacan saddexaad oo Ajnabi ah ay soo farageliso khilaafka u dhexeeya dowlada Dhexe iyo kuwa Maamul gobaleedyada.

Halkan ka dhageyso Codka