Somali News

Dhageysi Khudbadaha Musharixiinta KG oo maanta bilaabanaysa.

Baydhabo-KNN-Maanta ayaa la filayaa in ladhageysto  Khudbadaha ay jeedin doonaanqaar ka mid ah Musharixiin u tartamaya Xilka Madaxtinimada ee Maamulka KoofurGalbeed.

Ku dhawaad sedex musharax ayaa qorshuhu yahay in maanta ay bilaabaan hadal jeedintooda.

Musharixiinta maanta khudbadaha jeedinayo ayaa waxaa ka mid ah:-

  1. Aadan Saransoor.
  2. Xuseen Cusmaan Xuseen.
  3. Ibraahim Macalin Nuurow.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa, kadib markii maalmo ka hor Magaalada Baydhabo lagu xiray Musharax Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur,iyadoona ay xusid mudan tahay in gudiga doorashada Koofur Galbeed ay horey u diiwaan geliyaan musharaxa.

Xildhibaan Nuur Ibraahim Cusmaan oo wareysi siiyay idaacadda Kulmiye ayaa xaqiijiyay in maanta khudbadahooda ay jeedin doonaan qaar ka mid ah musharixiinta madaxweynaha Maamulka koofur Galbeed Soomaaliya.

Amaanka wadooyinka soo gala goobta ay ka dhacayso doorashada ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Koofur Galbeed.

Doorashada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dhacdo 19 bishan.

Xiisad siyaasadeed ayaa ka aloosan Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay, iyadoona dhowr jeer ay odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed ku baaqeen in dib loo dhigo doorashada Maamulka Koofur Galbeed.

Shalaya ayay aheyd markii  Gudoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamanaka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan uu gudiga doorashada Maamulka Koofur Galbeed ka dalbaday in ay dib u dhigaan Doorashada Maamulkaasi.