Uncategorized

Dhageyso:- AMISOM oo Madaafiic ku Garaacday Tuulooyin hoostaga Degmada Qoryooley

Qoryooley–KNN– Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay Madaafiic ku Garaaceen Tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Duqeynta ay timid ka dib markii ay Al-shabaab Weerar ku soo qaadeen fariisimo Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Duleedka Degmada Qoryooley ka dibna AMISOM ay ka Jawaab celiyeen Weerarka lagu soo qaaday.

Illaa hadda lama  Oga Khasaaraha ka dhashay Weerarka Ciidamada AMISOM ay ku qaadeen Tuulooyinka u dhow Qoryooley oo ay Maamulaan Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa Dhowr jeer Weeraro Toos ah iyo Madaafiic intaba ku qaaday Degmada oryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Halkaan Riix si aad u dhageysato Faah-faahinta oo dhameystiran