Uncategorized

DHAGEYSO:-Baarlamaanka Hirshabelle oo ka maqan Jowhar

Muqdisho-KNN-Maamulka Hirshabeelle ayaa la daala dhacaaya dhibaatooyin kala duwan iyadoona Wasiirada, Xildhibaanada, iyo Mas`liyiinta kale ee Hirshabeele ay ka maqan yihiin Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulkaasi, maqnaashiyahaasine ay cuuryaamisay Shaqooyinka Maamulkaasi uu qaban lahaa.

Xildhibaan Sharma`arke Xasan Ganey oo ka tirsan Baarlamanka dowladda Goboleedka Soomaliyeed ee Hirshabelle oo la hadlay KNN  ayaa waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Barlamanka Maamulkaas Shekh Cusman Barre Maxamed iyo inta badan Xildhibanada Hirshabelle ay Joogaan Magaaladda Muqdisho taasne ay sabab u noqotay in kulamadii Baarlamaanka Hirshabeelle ay hakad galaan oo ay goorom la’aan u baaqandaan iyadoo dhawaan kalfadhigu uu furmay.

Halkaan ka dhgeyso hadalka Xildhibaanka.