Uncategorized

Dhageyso:- Baarlamaanka Hirshabelle oo Kulan Deg Deg ah yeeshay

Jowhar–KNN-– Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa Maanta Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabelle ku yeeshay Kulan Deg Deg ah,waxaana Kulanka Maanta Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle  Sheekh Cismaan Maxamed Barre.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan oo la hadlay Saxafadda ayaa Beeniyay in Dastuurka Maamul Goboleedka Hirshabelle,wax laga badali doono islamarkaana Warkaas uu been yahay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sidoo kale sheegay in Kulanka Maanta lagu dhaariyay Xildhibaan Cusub oo lagu badalay Xildhibaan kale.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka