Uncategorized

Dhageyso:- Banaanbax ka socda Magaalada Baled-xaawo Ee Gobolka Gedo

Baled-xaawo–KNN– Wararka ka imaanaya Magaalada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maalintii Labaad uu Magaalada ka socdo Banaanbax looga soo horjeedo Ciidamada Kenya oo Degmada Baled-xaawo ka bilaabay in ay Calaamadiyaan Dhul ku yaalla Degmadaasi.

Nabaddoon Idirs Aadan Nuur oo kamida Waxgaradka Degmada Baled-xaawo oo la hadlay KNN ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay shalay illaa Maanta Magalada ka wadaan Calaamadeyn,wuxuuna intaas ku daray in Dhul badan oo Xilligii Dowladdii Milatariga Soomaaliya ay ka talin jirtay ay hadda Kenya Maamusho.

Dadka Shacabka ah ee ku nool Magaalada baled-xaawo ayaa Bilaabay in ay dhigaan Dibadbax ka dhan ah Ciidamada kenya,waxaana ay Dhagxaan ku tuureen Ciidamada Kenya ee la sheegay in ay halkaas ka wadaan Dhul Calaamadeynta.

Dowladda Kenya ayaa Xadka Labada Dal ee Soomaaliya iyo Kenya waxaa ay ka dhistay Darbi ay sheegtay in ay uga hortageyso Weerarada ay Shabaabku ku qaadaan Gudaha kenya,waxaana Dhismaha Darbigaasi uu Muran ka dhex dhaliyay Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Halkaan Riix si aad Codka u dhageysato