Uncategorized

Dhageyso:- Banaanbax lagu Taageerayo M/weyne Xaaf oo Maanta ka dhacay Cadaado

Cadaado–KNN– Banaanbax lagu Taageerayo Go’aankii Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geellle Xaaf ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Dowlad Gobolleedka Galmudug.

Banaanbaxa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Gobolleedka Galmudug iyo Qeybaha kala duwan ee ku nool Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Galmudug,waxaana ay sheegeen dhamaan Dadkii ka hadlay Banaanbaxa in ay Taageersan yihiin Go’aankii Madaxweynaha Galmudug uu kula saftay Xulufada Sacuudiga ee Xariirka u jaray Dowladda Qadar.

Maamulada Dalka ka jira intooda badan ayaa sheegay in ay la safan yihiin Go’aankii Xulufada Sacuudiga uu hogaaminayo ay Xariirka ugu jareen Dowladda Qadar.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warbixin ka hadleysa Banaanbaxa Cadaado