Barnaamijyo

Dhageyso: Barnaamij gaar ah oo aan uga hadleyno saameynta cudurka COVID-19

Muqdisho-KNN-Idaacadda Kulmiye waxay bilaawday barnaamij gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Coronavirus/COVID-19, kaas oo lagu soo ban dhigayo saameynta caafimaad, dhaqaale iyo guud ahaan nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Barnaamijkan waxaa iska kaashanaya Idaacadda Kulmiye, iyo Daladda SOMA oo ay ku mideysanyihiin qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliyeed, waxaana loogu tala galay in dadka Soomaaliyeed, dal iyo dibadba looga wacyi geliyo cudurka COVID-19, oo aad ah ugu faafay dunida.

Barnaamijkan oo ah mid gaar ah ayaa Idaacadda Kulmiye ka bixin doona maalin kasta oo Jimco ah 10:00 – 11:00 am, waxaana asagoo ku celis ah KNN ka dhageysan kartaa galab kasta oo Isniin ah 5:00 – 6:00 pm.  

Barnaamijka qeybtiisan waxaan diiradda ku saari doonaa saameynta uu cudurka Coronavirus ku yeeshay dadka muruq maalka ah, cudurkan ayaa wax badan ka bedelay dhaqaalaha dunida, waxaana ugu kuur galnay sida dadka muruq maalka ah ay dhaqaalahooda u soo saartaan.

Hoos ka dhageyso barnaamijkan oo uu soo jeedinayo Weriyaha Idaacadda Kulmiye Maslax Abuukar Xaaji ;-