Barnaamijyo Tafsiir Uncategorized

DHAGEYSO:-Barnaamijka Tartan Aqooneedka Dugsiyada Sare Ee Radio Kulmiye (19-05-2018)

Muqdisho-KNN-Tartanka Dugsiayada sare ee gobolka Banaadir oo ka soconaya Idaacada Kulmiye ayaa maanta waxay aheed in ay kuloolamaan Iskuulada kala ah Iftin iyo Al-ma`aarib laakiin tartanka waxaa soo xaadiri waayay tartamayaasha Iskuulka Iftin oo sheegay in ay u imaanwaayeen sababo la xiriira Imtixaan ay u fadhiisanayaan Ardayda Iskuulka.

laakiin xarunta dhexe ee Idaacada Kulmiye oo tartanku ka soconaya ayaa waxaa soo xaadiray tartamayaasha Iskuulka Al-ma`aarib oo la weydiiyay su`aalihii ay xaqa u lahaayeen ee mar kasta la weydiin lahaa.

Waxaa la weydiiyay 8 su`aalood waxay ka jawaabeen 2 su`aalood sidaasna waxay ku keensadeen 4 dhibcood oo ay ugu soo gudbeen Wareega xiga.

Halkaan Ka Dhageyso Barnaamijka Tar-tan Aqooneedka ee Radio Kulmiye.