Barnaamijyo Faalooyin Tafsiir Uncategorized

DHAGEYSO:-Barnaamijka Tartan Aqooneedka Dugsiyada Sare Ee Radio Kulmiye (20-05-2018)

Muqdisho-KNN-Tartanka Dugsiayada sare ee gobolka Banaadir oo ka soconaya Idaacada Kulmiye ayaa maanta waxay aheed in ay kuloolamaan Iskuulada kala ah Janaraal Daa`uud iyo Hiigsi laakiin tartanka waxaa soo xaadiri waayay tartamayaasha Iskuulka Janaraal Daa`uud oo sheegay in ay u imaanwaayeen sababo la xiriira Imtixaan ay u fadhiisanayaan Ardayda Iskuulka.

laakiin xarunta dhexe ee Idaacada Kulmiye oo tartanku ka soconaya ayaa waxaa soo xaadiray tartamayaasha Iskuulka Hiigsi oo la weydiiyay su`aalihii ay xaqa u lahaayeen ee mar kasta la weydiin lahaa.

Waxaa la weydiiyay 8 su`aalood waxay ka jawaabeen 3 su`aalood sidaasna waxay ku keensadeen 6 dhibcood oo ay ugu soo gudbeen Wareega xiga.

Barnaamijka Tartan aqooneedka Dudsiyada sare ee gobolka Banaadir ayaa sanadkaan Su`aalaha waxaa soo diyaariyay Jaamacada Salaama sidoo kale isla Jaamacada ayaa taaba gelineysa Tartankaan.

Halkaan Ka Dhageyso Barnaamijka Tar-tan Aqooneedka ee Radio Kulmiye.