Barnaamijyo Tafsiir Uncategorized

DHAGEYSO:-Barnaamijka Tartan Aqooneedka Dugsiyada Sare Ee Radio Kulmiye (24-05-2018)

Muqdisho-KNN-Barnaamijka Tar-tan Aqooneed Dugsiyada Sare ee bisha barakeysan ee Ramadaan ka baxa Radio Kulmiye oo ay maal-gelineyso Jaamacadda Salaam, sidoo kale Su’aalaha Barnaamijka ay diyaarisay isla Jaamacadda Salaam ayaa maanta waxaa qorshuhu uu ahaa in ay ku loolamaan tartamayaasha Iskuulada Hoose dhexe iyo Sare ee Abuu Xaniifa iyo Tabuuk.

laakiin Iskuulka Abuu Xaniifa ayaa jabiyay qodob ka mid ah sharcigii u yaalay tartanka kadib markii ay ka soo tageen Dareyskii Iskuulka oo lagu balamay in ay wataan tartamayaasha maalinta ay tartanka ay galayaan.

Sidaas daraadeed waxaa maanta sedax dhibcood la siiyay ayagoo aan tartan galin su`aalana la weydiinin tartamayaasha Iskuulka Tabuuk, kadib markii waqtiga naga idlaaday.

Faafaahin intaas dhaafsiisan hoos ka dhageyso.

Farsamadii:-Shariif Cabdulle Maxamed:–

Halkaan Ka Dhageyso Barnaamijka Tar-tan Aqooneedka ee Radio Kulmiye.