Uncategorized

Dhageyso:- C/raxmaan C.shakuur”Farmaajo iyo Kheyrre waxaan ku Dacweyneyaa Dalalka ay Dhalashada ka haystaan”

Muqdisho–KNN–Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maaanta warbaahinta kula hadlay  Guriga uu Maagalada Muqdisho  ka degan yahay oo 17 bishaan ay ku weerareen Ciidanka ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha iyo R/wasaaraha   Soomaaliya uu ku dacweyn doono  Maxkamadaha Wadamada ay dhalashada ka heystaan ee Norway iyo Mareykanka

Sidoo kale Siyaasiga Abdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha iyo R/wasaaraha Soomaaliya ay lahayeen Mas’uuliyadda weerarkii Gurigiisa lagu qaaday islamarkaana uu Tilmaamay in la doonayay in lagu qaarajiyo.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadalkiisa sii watay ayaa tibaaxay in madaxda dalka ay doonayaan in ay dastuurka dalka ku tuntaann,taasna aan dadka Soomaaliyeed marnaba aysan aqbali doonin sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan Riix si aad u dhageysato Shirka Jiraa’id Ee C.raxmaan Cabdishakuur Warsame