Somali News

Dhageyso:-Cabasho kasoo yeertay wax garadka Koofur galbeed

Beydhabo-KNN-Magaalada Baydhabo ee gobalka Bay ayaa waxaa xilligan ka soconaya shirar looga hadlayo  arimaha doorashada madaxweynaha maamulka koofur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhici doonta dhamaadka sanadkan.

Waxaa jira Warar Soo baxaya oo Sheegaya in Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka koofur galbeed Soomaaliya qaarkood loogu hanjabay in la dili doono hadii aysan dib u dooran Madaxweynaha haatan talada haya ee Maamulka koofur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan

Nuur Xuseen Bukuroow  oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada koofur galbeed  oo la hadlay idaacadda kulmiye ayaa Waxa uu eedeeyn u jeediyay wasiirro ka tirsan Maamulka koofur galbeed,isagoona ku eedeeyay in qaar kamid ah xildhibaanada loogu hanjabay in la dili doono haddii aysan u codeyn Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Hoos ka dhageyso codka Nuur Xuseen Bukuroow.