Uncategorized

Dhageyso:- Cali C/llaahi Cosoble”waxaan ahay M/weynaha Hirshabelle,Baledweyne ayaana ku Shaqeyneyaa”

Baledweyne–KNN-– Madaxweynihii Hore ee Maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble islamarkaana Xildhibaanada Hirshabelle ay sheegeen in ay Xilka ka qaadeen oo Maanta tagay Magaalada Baledweyne ayaa Warbaahinta u sheegay inuu yahay Madaxweynaha Saxda ah ee Maamulka Hirshabelle,wuxuuna Xusay inuu ku shaqeyn doono Magaalada Baledweyne,Maadaama uu sheegay in Caasimaddii Hirshabelle ee Jowhar aheyd ay Dowladda Federaalka qabsatay sida uu hadalka u dhigay.

“Meeshii ay Al-shabaab qabsadaan waa laga tagaa oo waxaa la tagaa Meel kale oo aad ku shaqeyn karto,si lamid ah Jowhar Dowladda Federaalka ayaa qabsatay,aniguna waxaan ku shaqeyn doonaa Baledweyne”ayuu yiri M/weyne Cosoble.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warbixinta oo Faah-faahsan