Uncategorized

DHAGEYSO-:Carada Muslimiinta ay ka qaadeyn go’aanka Trump Qudus uga dhigay Caasimadda Israel.

Muqdisho-KNN-Caradii ka dhalatay go’aankii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee uu magaalada Barakeysan ee Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda maamulka Yahuudda ah ee Israel Caradaas oo ka imaaneysa Dunida Muslimka ah Ayaa cirka isku sii shareertay.

Dowlado badan Islaam ah iyo kuwa kale ayaa si caro leh ugu hadlay Go’aanka Trump, Dowladaha Masar, Qatar, Urdun, Sacuudiga, Falastiin, Turkiga, Iraan Syria, Ciraaq, Afganistn, Bakistaan,ayaa canbaareeyay go’aanka Trump, kuna tilmaamay mid Bariga dhexe dhibaatada ka taagan dab ku sii qabanaya.

Sidoo kale Dowladaha Ruushka, Ingriiska, France, Germany iyo China ayaa ka digay colaad oo horsed u yahay Maraykanka in ay ka bilaabato bariga dhexe taaas oo salka ku heysa dhinaca diimaha iyagoo ku baaqay in daganaan la muujiyo.

Qudus waa magaalo muhiim u ah Muslimiinta waxaa ku yaalo Masjidka 3aad ee ugu Qiimaha badan Islaamka,sidoo kale waa magaalada 3aad ee Muslimiinta, waa meeshii laga dheelmiyay Nabiga NNKH, waana meel Qiima gaar ah u leh Muslimiinta oo dhan.

Halkaan ka dhageyso Warbixin ka hadlaysa Qudus.