Uncategorized

Dhageyso:- Ciidamada Ammaanka oo Saakay Howlgallo ka wada Baledweyne

Baledweyne–KNN– Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Saakay Howlgallo Xoog leh ka wada Xaafadaha Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan,waxaana Ciidamadu ay baarayaan gaadiidka,Guryaha iyo Dadweynaha intaba.

Ciidamada ayaa sidoo kale lagu Arkayaa iyagoo buux dhaafiyay wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Baledweyne.

Howlgalka Saakay ka socda Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa yimid ka gadaal markii Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Xalay lagu dhaawacay Magaalada Baledweyne ee Xarun Gobolleedka Hiiraan

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga