Uncategorized

Dhageyso:-Ciidamada Booliska Galmudug oo shaqa joojin ku dhawaaqay.

 Dhuusa-mareeb-KNN-Ciidamada Booliska ee Maamulka Galmudug ayaa 48saac u qabtay in maamulka Galmudug ay ugu jawaabaan cabasho ay qabaan ciidamadaasi, kuwaas oo kacabanaya in eysan helin xaquuqdii ay la haayeen.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa tilmaamay in dhowrkii sano ee la soo dhaafay ey nan arag xuquuqdii ay la haayeen, sida mushaarkoodii, Gunadii, daryeel, dalacsiin, iyo waxyaabaha kale ee ay mudnaayeen, isla markaana ay waayeen cid ka hadasha hadii ay ahaan lahaayeen Madaxda sare Dowladda federaalka, Madaxda maamulka Galmudug iyo Taliska Booliiska ee maamulkaas.

Ciidamadaan ayaa ku dhawaaqay shaqa joojin ilaa iyo inta looga soo jawaabaayo, warar hoose oo KNN  heshay ayaa tilmaamaya in ciidamada shaqada joojiyay  ey ka badan yihiin 570 askari  iyo saraakiishoodaba.

Xariiro ay KNN la sameysay saraakiisha ciidamada Booliska maamulka Galmudug ayaa waxay sheegeen in maqleen shaqa joojinta ciidamada Booliska Galmudug ay ku dhawaaqeen laakiin ay ka jawaabi doonaan saacadaha soo socda.

Halkaan ka dhageyso ciidamada Booliska oo ku dhawaaqaya shaqa joojin.