Somali News

DHAGEYSO:-Ciidamada dowlada iyo kuwa amisom oo dhaq dhaqaaq ciidan maanta ka wada deegaano ka tirsan G.SH/Dhexe

Jowhar-KNN-Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa maanta dhaq dhaqaaq ciidan ka bilaabay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, oo maalmihii dambe mas`uuliyiinta maamulka Hirshabeelle iyo Ciidamada AMISOM lagu beegsanayay Qaraxyo iyo weeraro.

Maalin ka hor ayey aheed markii kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM qarax miino lagu eegtay wadada u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, Qaraxaasi oo la sheegay in khasaaro uu ka soo gaaray ciidamada AMISOM ee Qaraxa lala bartilmaameedsaday.

Wariyaha Idaacada Kulmiye ee deegaanada Hirshabeelle ayaa goor dhow arintaan aan ka wareysanay, wuxuuna faafaahin ka bixiyay deegaanada ay howgalka ay ka socdaan iyo xaalada guud ee deegaanadaasi sida ay yihiin.

Halkan ka dhageyso.