Uncategorized

DHAGEYSO:-Ciidamada Dowlada oo kusoo laabtay Balcad iyo Maamulka Degmada oo beeniyay in Al-shabaab maanta ay lawareegeen Degmadaasi.

Jowhar-KNN-Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa goor dhow dib ula wareegay Degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe, kadib dagaal culus oo saacado dhowr ah qaatay oo degmadaas maanta ku dhax maray Al-shabaab iyo ciidamada dowlada oo garab ka helaya kuwa AMISOM.

Ugu yaraan 10 ruux oo ah dhinacyadii dagaalamayay ayaa ku geeriyooday tiro intaas ka badana way ku dhaawacmeen sida ay sheegayaan wararka hadda naga soo gaaro Degmadaasi.

Sidoo kale warar kale ayaa tilmaamaya in khasaaraha uu intaas ka badan yahay oo ay jiraan dad shacab ah oo wax yeelo kala duwan oo ay soo gaartay.

Waxaa dib u furmay isku socodka Wadada xariirisa Muqdisho Jowhar oo hakad ku yimid kadib dagaalkii maanta ka dhacay degmada Balacad ee Gobolka Sh/Dhexe.

Waxaa haatan degan xaalada degmada Balcad oo maanta dagaal culus uu ka dhacay, waxaana dib u bilowday isku socodka  dadka iyo goobihii ganacsiga oo dib loo furay.

Dhankale Gudoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur oo la hadlay KNN ayaa beeniyay in Degmada Balcad maanta ay la wareegeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Halkaan ka dhageyso.